Masjidka dib u hagaajintiisa

Asalaama aleikum.

Anigoo ah Sheekh Axmadey Sheekh Abukar Macallin waxaan ka codsanaa dadweynaha jecel in ay ka qeybqaataan dhismaha ama dib u hagaajinta Masjidka oo la rabo in mardhaw la bilaabo ayadoo ay ku xiran tahay sida ay dadka u soo gaarsiiyaan tabaruca Masjidka.

Sidaad la socotaan wadanka marxaladiisa iyo shaqo la'aanta ka jirta waxaa inoo suurtageli weysay in aan ka kaaftoono dadka dibadaha jiraan, anagoo aan marwaliba ku dadaali jirnay in dhismaha masjidka gacanteena dhaafin oo aay ku ikaadaan dadka xaafada degan iyo maamulka masjidka.

Waxaan filayaa waa markii ugu horeyso aan qayli dhaan u jeedino dadka dibada joogaan si ay inoogala qeyb qaataan dhismaha ama dib u hagaajinta masjidka.

Waxaan nakala soo xiriiri kartaan awees Bashir Maamulaha Xawilaada Al-Mustaqbal ee Beexaani.

Telephonada kala ah 644077 ama 229236 ee magaalada Muqdisho, Soomaliya.

 

Ugu danbeen waxaan u soo jeedinaa dadweynaha soomaliyeed in aysan u arkin kaalmada mid yar.

Waxkasta oo aad bixisaan ha ahaado $1 hal dollar waxey inoo tahay kaalmo

Wasalaamo aleikum.