Maanta oo kale 20 sano ka hor, waxaa dalka Jabuuti ka  socdey shirkii dib u heshiisiinta,  ee dib loogu unkay Qaranimadii Soomaaliyeed, geeddi socodkaas waxa uu soo marey marxalado aad u kala duwan, waxaana dowlad kastaa ku soo shaqeysey duruufo aad u adag,  waxaase jirtey  in heshiis lagu ahaa in doorasho dhacdo afartii sanoba hal mar. Dowladkasta oo soo marta waxay soo gaarsiisey meel tan kale ka sii wadi karto, ma jirin dowlad Soomaaliyeed oo wadatey Ushii Nebi Muuse (cs), waxkasta waxay ahayd qori isu dhiib, haddii ay wax xalisey waxaa dhici karta in bilowgiisi dowlad kale lahayd, waxaa sooyaalkaas iyo isbedaladaas laga dhaxley waa in Dowladda Soomaaliyeed hesho degenaansho, aysan dhicin muran dhanka sharciga ah, ama aysan jirin cid diidan sharcinimada Dowladda Soomaaliya.

CABSIDA JIRTA

Waxaa jira cabsi weyn oo marba, marka ka danbeysa sii xoogeysaneysa taas oo sheegaysa in doorashada la qaban lahaa dhamaadka sanadkan  2020 iyo bilowga 2021  Dowladda hadda jirtaa dooneyso in ay dib u dhigto,  iyada oo la imaaneysa marmarsiinyo laga maarmi karo,  qoraalkan waxaan ku eegeynaa sida Dowladda  Madaxweynaha uu ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay u qorsheysatey  in ay xafiiska sii joogto haddiiba ay u hirgasho.

DOORASHO HAL QOF HAL COD AH

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu marar badan oo ay ugu danbeysey 15 May ku soo celiyey in uu dalka ka hirgeliyo doorasho dad weynuhu ka qaybqaato laguna tartamo nidaamka xisbiyada badan.

Maxaa ka run ah?

Sanadkii 2016 iyo sanadkan 2020 wax badan ayey isaga eg yihiin marka la eego in la qabto doorasho dadweyne ee Xisbiyo ku dhisan.

Xassan Sheekh Maxamuud, in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah waxa uu marey tallaabooyinkan:

  • Dhismaha guddiga doorashada ee hadda dhisan
  • Meel marinta xeerka Xibiyada dalka oo ah kan ilaa hadda lagu dhaqmaayo
  • Dib u eegista dastuurka federaalka oo  ilaa hadda socda
  • Xoreynta  gobolo iyo magaalooyin al-Shabaab horey u haysteen
  • Waxa uu dagaal ku qaadey dhismayaasha Dowlad goboleedyada, markii hore
  • Waxa uu ku khasbanaadey dhismaha dowlad goboleedyada (Jubaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed)
  • Waxa uu markii danbe xiriir fiican la yeeshay maamulada dalka ka jira oo wadatashi joogta ah lahaayeen.

Arrimahan oo dhan ma suurtagelin in dalka ay ka dhacdo doorashooyinka nidaamka xisbiyada, sababaha u waa weyn ayaa ahaa:

  • Dalka oo aan guud ahaan la xasilin.
  • Fashilka dhisme ciidan Qaran oo laga soo wada qorey inta badan gobolada dalka.
  • Dastuurka Federaalka oo aan la dhamaystirin aftina loo qaadin.
  • Muddada loogu tala galay hawsha dimoqraadiyeynta oo aan la bilaabin xiligii ku habboonaa.

Xalay iyo caawa maxaa isaga eg!

Waxaa muuqata in caqabadihii jiirey 2016 iyo kuwo ka weyn ay hadda jiraan oo aysan jirin wax Dowladda hadda jirtaa uga duwan tahay tii 2016 marka la eego:

  • Tirokoob la’aanka dadka
  • Diiwaangelinta codbixiyaasha
  • Xasilinta dalka
  • Nabadgelyda dadweynaha
  • Dhamystirka iyo Afti u qaadida dastuurka Federaalka
  • Dhamaystirka Xisbiyada iyo nidaamkooda
  • Wacyigelinta bulshada ee nidaamka Xisbiyada
  • Waxaa dheer wada shaqeyn la’aanta Dowladda federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah.

Haddaba meel-marinta sharciga doorashooyinka oo ay diidan yihiin qaar kamid ah Dowlad goboleedyada  ma noqon karaa hubka ugu weyn ee Dowaldda hadda jirtaa ay haysato oo ah in ay sharcigaas ku dhaqmeyso, iyada oo mudadii xilka loo dhaariyey ay ka harsan tahay bilo dhawr ah.

Sanadkii 2016 Dowladdii markaa jirtey waxay si cad u sheegtey in ay ku fashilantey in ay hirgelin karto doorasho hal qof iyo hal cod ah, waxay talada dib ugu soo celisey dhamaan dadkii ay ka dhexeysey, kuwaas oo ku heshiiyey nidaamka doorasho ee dalka ka dhici kartey markaas, geeddi socodka dowladnimo ee dalkuna ku sii  socon karey, waana tan lagu doortey Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

FARMAAJO WIXII UU KU TALO GALAY AYUU KU SOCDAA

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo waxa uu ku socdaa ilaa hadda dhabbihii uu jeexday ama loo jeexay sanadkii 2017, kaas oo ah in  laga faa’ideysto khaladaadkii uu galay Madaxweynihii ka horeeyey,  ee horseeday in aanu helin muddo kororsi iyo in aan dib loo dooran, waxaana farmaajo qorsheystey isla sanadkii 2017 sida uu xafiiska kusii fadhin lahaa muddo 6 sano ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo la-taliyihiisa kowaad oo markaas ahaa Agaasimaha Madaxtooyada waxaa la isla gartey in waxa Dowladdii ka horeysey caqabadda ku noqotey ay tahay.

  1. Dowlad goboleedyada qaarkood ayba ka awood badan yihiin Dowaldda Federaalka.
  2. Aqalka Baarlamaanka oo shirguddoonku u horeeyo.

Haddii aan labadaas wax laga qaban ay khatar ku yihiin maareynta doorashooyinka iyo damacooda.

Sida uu Horseed Media u sheegey siyaasi la soo shaqeeyey Madaxweyne Farmaajo, waxaa isla sanadkii 2017 la isla qaatey in  shaqada ugu horeysa la geliyo Dowlad goboleedyada inta ay cusub yihiin la wiiqo awoodooda, haddii aan taas la sameyn ay dhacayso tii ku dhacdey Dowladdii Xassan Sheekh oo lagu khasabanaan doono ugu danbeynta in la dhiso Madasha Qaran.

Waxaa loo arkey Dowlad goboleedyadu in ay yihiin caqabadii Xassan Sheekh ka hor istaagtey in aanu ku darsan kuna khasabtey in la qabto doorasho.