Wasiirka amniga ee maamulka Galmudug Axmed Macalin fiqi oo ay wehliyaan masuuliyiin uu ka mid yihiin Taliyaha Qaybta 21-aad iyo Taliyaha Guutada 15-aad Qaybta 21-aad oo maanta lagu wareejiyay maleeshiyaadkii iyo gaadiidkii lagu weeraray xerada Ciidamada Danab ayaa la filayaa in ay gudaha u soo galaan magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ay ka soo ambabaxeen deegaanka Saaxo Qurun ee gobolka Mudug

Ilo wareedyo ayaa sheegay in shan gaadiid iyo 50 maleeshiyo maanta lagu wareejiyay wasiirka amniga Galmudug, Ciidamadan ayaa dhawaan waxaa tababar loogu furi doonaa magaalada Dhuusamareeb, waxaa ayna ka mid noqon doonaan ciidamada maamulka Galmudug. Advertisement

Tan iyo markii maleeshiyaadka ay weerar ku qaadeen xerada ciidamada Danab ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dul daganaa Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Qaybta 21-aad oo ugu dambeyn Ku guuleestay in maleeshiyaadkan hubka ay ku wareejiyan mamulka galmudug.