Banaanbaxyo iska soo horjeeda ayaa maanta ka dhacey meelo badan oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Banaanbaxii ugu horeeyey oo ka dhacey Number 4 ayaa lagu taageerayey Madaxweyne Farmaajo ayagoo dadka ka kala yimaadeen degmooyinka Gobolka Bnaaadir ayagoo codkooda ku sheegey in Dowlada kaliya ee ogol in Gobolka Banaadir xaqiisa la siiyo ay tahay Dowlada hada jirto,

Dhanka kale siyaasiinka mucaaradka dowlada ayaa iyagana soo qaban qaabiyey Banaanbax looga soo horjeeda banaanbaxii dowlada, ayagoo iskaga yimaadeen dhoor degmo ee ka tirsan gobolka banaadir kuna dhawaaqayeen ha dhacdo Dowlada waqtigeeda dhamaadey.

Ciidamada koofi gaduudka ee ilaaliya Villa #Somalia ayaa la arkayey ayagoo xabado ku ridaayo shacabka ilaa hada lama oga qasaaraha ka dhashey labadaan Banaanbaxood ee iskla soo horjeeda.

wixii soo kordho gadaal ayaan idinkala socod siin doonaa