Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa dalkaasi Jabuuti oo ay kaga qeyb galayeen shirka wadahaddala u dhaxeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Kulanka oo socday dhawr maalmood ayaa markii hore waxaa adkaatay in is-afgarad ka soo baxo sababo la xiriira qodobo xasaasi ah taasoo keentay in heshiis rasmi ah uu kasoo bixi waayo wadahadallada, inkastoo ugu dambeyntii xalay is-afgarad hordhac ah ay ku kala saxiixdeen guddiyada farsamo ee wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ku kala metalayay.