Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa soo baneeyay furimihii dagaalka qaar, halkaas oo la sheegay in meelaha qaar ay laga yaabo in ay la wareegaan ciidamada Alshabaab.

Muuqaalo laga soo duubay ciidanka oo laga baahiyay warbaahinta maxaliga ah iyo muuqaalo kale oo aad loogu faafiyay baraha bulshada, ayaa muujinaya ciidamo xiran dareeska militariga oo ka cabanaya mushaar la’aan muddo ka badan Hal sano iyo bar.

Mid ka mid ah askarta la waraystay ayaa sidan yiri “In aan hal sano iyo 9 bilood mushaar qaadanin, taas oo nagu kaliftey in aan kasoo baxno aagii dagaal si aan uGu tango heerkeenii dhaqaalo la’aan awgeed.

Goobaha ay soo baneeyeen ciidamada waxaa ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, halkaas oo ay isku hor fadhiyeen ururka Alshabaab

Halkan ka daawo ciidanka oo xertey wadooyinka muqdisho.