Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxay maanta kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho taas oo dood adag ay yeesheen Mudanayaasha.Advertisement

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay ka arinsadeen arinta ku aadan qoondada Aqalka Sare laga siiyey Gobolka Banaadir.

Xildhibaan C/qaadir Caraboow oo khudbad ka jeedinayey ayaa sheegey in Magaalada muqdisho ay xaq u leedahay in ay hesho matalaada labada aqal si loo helo Cadaalad.

Xildhibaano 10 qafood dhameen ayaa isku dayey in ay buuq ku sameeyaan Xildhibaanka, balse waxa uu uGu jawaabay Xildhibaan caraboow in shacabka ay daawanayaan dadka diidan in xuquuqdooda helaan.

Xildhibanadii Maqaamka Muqdisho buuqa ka sameeyey ayaa soo gashey cabsi weyn iyadoo shacabka magaalada Muqdisho ay hadal hayeen beryahann in ay iska qabtaan Xildhibaan kasta oo xuquiuqdooda kasoo hirjeeda.

Xildhibaanka ayaa si buuxda u sheegey in aysan dhaceeyn Doorasho ilaa Shacabka Muqdisho helaan matalaad labada Golle.

Waxa uu sheegay in Matelaada Muqdisho ay tahay Lama taabtaan Shacabka uu matelana afkooda ku hadlayo,cidii diidana ay tahay yeelkadeed.