Sidii loo doortey Dowladii uu hogaaminaayey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa meesha ka baxey isdabayaacii Madaxda iyo Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, taas oo Odayaasha dhaqanka loo adeegsan jirey mucaaradka dowlada markaas jirto.

Dowladihii ka horeeyey tan maanta uu hogaaminaayo Farmaajo waxa ay ku bixin jirtey Malaayiin Dollar 4 tii sano ay hogaanka dalka hayeen, taas oo marqaati shacabka ka ahaayeen , waxaana la arki jirey in hoteelada Dalka ay shirir ku qaban jireen, isla markaasna ay lacago siin jireen shacabka kasoo horjeeda Dowladii markaas jirtey.

Waxaa maanlin kast alagu arki jirey Odayaal sii gelaya Madaxtooyada iyo kuwa ksii baxaayo Madaxtooyada ayagoo qidmooyin lacag ah jeebka ugu jiraan.

Dowlada hada jirta ayaa xakameeysay in lacag ku bixiso laaluush iyo isdaba marin siyaasadeed, waxaana taas daliil u ah in ay yareeb madaxda sarsare oo la bedelo iyo Xildhibaanada mooshinka keeno taas oo ay aheed mid mashruuc ah oo ku baxdo lacago aad u fara badan.

Iskusoo duub Odayaasha Dhaqanka ayaa soo wajahdey lacag la’aan iyo duruufo dhaqaalo xumo iyagoo ku dhawaadeen in ay siyaasada ka baxaan dhaqaalo la’aan awgeed iyo shacabkii oo u arkeen in ay yihiin dad duminaya dowlad kasta oo lasooo dhiso si dantooda u fusho.

Odayaasha dhaqanka ayaa iftiin kasoo galey albaabkooda kaas oo ka yimid madaxtooyada dalka kadib markii Siyaasada ay isqilaafeen Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha dalka kadib markii ay soo dhawaatey doorashada Dalka ayagoo bilaabeen in Odayaasha dib loo siiyo kaarkoodii VIP da ay ku galayeen Madaxtooyada

Qilaafka labadaan ayuu ku saabsan yahay kala duwanaashaha siyaasadeed ee doorashooyinka 2020-21 isla markaana wasiirka koowaad aaminsan in coddeynta aysan noqon karin qof iyo cod.

Hase ahaatee, Farmaajo ayaa rumeysan in ay dhici karto, talaabadaas oo uu uga gol-leeyahay in uu ku sameysto muddo korori, sidda lagu waramay.

Waxaa la arkaa maanta in Qabiilkii dib usoo noqdey iyadoo la arkaya in Wasiiro ahy Media ka muuqdaan oo qabiilkooda la hadlayaan halka ay aheed in ay u hadlaan hab qaran oo u hadlaan shacabka soomaaliyeed oo dhan maadaama uu yahay wasiir Qaran u dhaxeeyo shacabka oo dhan halka uu ku meereeysanaya qabiil iyo jufo hoose.

Dowladii dhexe ee Soomaaliya waxa ay duntey 1991 ilaa hada weli waxaan naga guuxayo qabiil markii ay timaado awood qeybsi.

Dhibatda dhan waxa ay ka jirtaa Awood qeybsiga dalka oo lagu saleeyyey qaab Qabiil halka ay wanaagsaneed in 18 Gobol wax lagu qeybsado.

HAMMAAD-

Qore Xafiiska Idaacada Manabolyo ee Muqdisho.