Xukuumada Soomaaliya ayaa beenisey in la bedelay Sharci yaqaanadii Soomaaliya difaacayey Kiiska Badda Ee Maxkamada Heeg hor yaalla.
Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warar soo baxay oo ahaa in Qareenadii Soomaaliya udoodayey la badelay.
Qareennada difaacaya kiiska Dacwadda Baddeena wax isbaddal ah marnaba laguma sameynin, walina iyagii ayaa nagu matali doona difaaca iyo dhagaysiga oo loo madlanyahay 15-19 Maarso, 2021.
Qareennada waxay kala yihiin Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet.

Soomaaliya ayaa udiyaarsan Dhageysiga Kiiska Dacwada Soomaaliya iyo Kenya isku hayaan Badda,iyadoo Kenya aysan cadeymo heysan murankeeda Badda Soomaaliya ku heysato.
Maalin Ka hor Maxkamada ICJ ayaa ka hor timid Dalab Kenya ay udirtay Garsoorayaasha Maxkamada oo ahaa in dib loo dhigo Markii Afaraad Kiiskaasi dhageysigiisa balse waa laga diiday.
Bil kadib oo 15 bisha soo socoto March 2021 ayaana la gudaha galayaa Kiiskaasi in la dhageysto Maxkamada Heeg Ee Dalka Holland.