Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nuur oo warbixintii ugu Dambeysay ee Xaaladaha Caabuqa COVID-19 siisay Telefeeshinka Qaranka iyo Warbahinta Madaxa Banan ayaa cadaysay in warbixinta Xaaladaha COVID19 ee saxda ah in laga heli karo Baraha Wasaaradda Caafimaadka
Wasiirka Caafimaadka ayaa la wadaagtay Bulshada in ay iska ilaaliyaan xogaha beenta ah ee dadka ay ku faafinayaan baraha internet-ka oo ay wixii xog ah heli doonaan maalin walba galbihii Insha Allah.