Shirkii Guddiga Farsamada ee u socday dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku shirayay Baydhabo ayaa shaaciyay in xal laga gaaray qodobadii la isku hayay ee caqabada ku ahaa hirgelinta doorashada.
Shirkii guddiga farsamada arrimaha doorashada federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhaba, kaasi oo ay yeesheen wakiilo kala matalayey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa heshiis buuxa lagu gaaray, waxayna guddigu soo saareen murtiyeedka hoos ku lifaaqan.
