Friday, February 26, 2021
  • Login
MANABOLYO NEWS
  • Home
  • News
  • Politics
  • Sports
  • National
    • Culture
    • Opinion
  • Health
  • Tacsi
  • Contact
No Result
View All Result
  • Home
  • News
  • Politics
  • Sports
  • National
    • Culture
    • Opinion
  • Health
  • Tacsi
  • Contact
No Result
View All Result
MANABOLYO NEWS
No Result
View All Result
Home Culture

Taariikhda qoraagii weynaa ee Nuuradiin Faarax

bashka by bashka
February 17, 2021
in Culture, News, World
1 0
0
Taariikhda qoraagii weynaa ee Nuuradiin Faarax
7
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Masraxa qoraayada aduunka ayuu kasoo muuqday, isagoo kasoo dhex mudh yidhi Bulsho iyo wadan burbursan. Muuqaallo guud iyo Humaagyo layaab leh ayuu ka bixiyey Soomaalida, isagoo 1965-kii bilaabay qoraalka. Dhalashadiisu waxa ay ku beegnayad 1945-Kii, oo uu Magaalada Baydhabo uu ku dhashay. Deegaanka Qallaafe ayuu ku koray, dugsi Quraankii iyo waxbarashadii aasaasiga ahydna uu ku qaatay. Ganacsade la yaqaan ayaa uu aabihii ahaa Faarax. 1963 dagaallo xuduudeed ka dhacayey Qallaafe xilligii Xayle Salaase, ayaa ku qasbay inuu u soo guuro Muqdisho isaga oo 17-Jir ah.

Intii u dhaxeysay 1966 ilaa 1970, wuxuu shahaadada heerka koobaad ka diyaariyey Falsafada, Suugaanta iyo Cilmiga Bulshada, jaamacada [Panjab University] ee ku taala Chandigarh ee dalka Hindiya.

Chitra Muliyil oo ah Gabadh Dhalshadeedu Hindiyaan tahay, ayuu guursaday hal wiil ayey kala heleen, oo Kooshin loo bixiyey. Muddo kadibna waa ay isfureen. Cugay oo mar kale guursay 1992-kii, Aamina Maama oo ahayd Nayjeeriyaanad dhalsho [Biritish] ah haysata. Abyan iyo Kaahiye waa labada caruur ah ee ay kala heleen Nuuradiin iyo Aamina. Intaas kadib Nuuradiin waxa uu tagay wadanka Ingiriiska, kuna diyaariyey shahaaddada Mastarta. 1990-Kii ayey geeriyootay hooyadii A.H.N.

Waxa uu deeq waxbarasho ka helay Adeegga Isdhaafsiga Tacliinta Jarmalka, wuxuuna u wareegay Berlin. Sanadkii 1996, wuxuu booqday Soomaaliya, markii ugu horreysay muddo ka badan 20 sano. Nuuradiin walaashii Basra Faarax Xasan, oo aheyd diblumaasiyad, waxaa lagu dilay duqeyn dhacday bishii JEN- 2014 xilli ay kala shaqeyneysay Qaramada Midoobay, magaalada Kabul ee dalka afgaanistaan.

Mar sii horeysay oo BBC-da wareysi lagaga qaadday, ayaa Farxaan Maxamed jimcaale weydiiyey, su’aal inta badan dadka Soomaalidu isweydiiyaan oo ah Nuuradiin Faarax sababta uu Af-Soomaaliga uu wax ugu qori waayey? “Ilama ah dadka Soomaalida ahi inay akhrinayaan, haddii Af-Soomaali lagu qoro, sababta oo ah waxaan nala barin wax akhriska. Buug 300-Bog inuu qofkii akhriyo samir uma laha waan bilaabi naqaanaa, balse ma dhamayn naqaan. Mida kale waxaan waxqoridda bilaabay Af-Soomaaliga oo aan qornayn”. 

Gu’gii 1973-Kii Buug af-Soomaali ku qoran ayaa uu qorey, buuggii oo socda nuqullo kamid ah na lagu daabaco Xidigta October. Ayuunba mar qudha guddigii Faaf-reebku shidaysatay oo joojisay, Nuuradiina wax ka weydiiyeen sadarro siyaasadeed oo buuggaasi ku jirey. Macalinkiisii oo ka tirsanaa NNS-tii waqtigaasi, madaxna ka ahaa xafiis kamid ah, ayaa ka shaqeeyay Furdaaminta kiiskaasi, waxaana go’aan lagu gaadhay in aanu af-Soomaali dambe wax ku qorin. Xilligaasi cabudhin qoraal iyo mid fikir oo xoogan ayaa uu dareemay. Kacaankuna waa uu iska dhex arki waayey qoraallada Nuuradiin.

Waxaa uu noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee loo xusho Akadamiyadda Farshaxanka iyo Sayniska Mareykanka, tan iyo markii la aasaasay 1780-kii. waxaa xubno ka noqday akaadamiyadda dad gaaraya 13,500 [Saddex iyo Toban Kun iyo Shan boqol] qof oo ah dad lagu qiimeeyay dadaalkooda oo iskugu jira Xeel-dheerayaal, Arday, Saynisyahano iyo Hoggaamiyeyaal.

Feedh-Qaloocan [ ‘Crooked Rib] waa Riwaayaddiisii ​​ugu horreysay waxa uu qorey 1970-kii, xilligaasi oo da’diisu ahayd 23-Jir, sanad kadib ayaana la daabacay. Sumcad caalami ah ayuu ku kasbaday Sheekadaasi cajiibka ahayd. 

Waxaana Daabacay H.E.B waana taxanahooda waxbarashada Qorayaasha Afrika. Weriye Cabdi-Salaan Hereri ayaa afka-Soomaaliga usoo rogay buuggaasi. 

Waxaana lagu tilmaamay -mid ka mid ah tiirarka aasaasiga ah ee suugaanta Bariga Afrika ee maanta. Waxa kale oo uu qoray riwaayado kale, Sheekooyin gaagaaban iyo qormooyin.

Tan iyo markii uu ka tegey Soomaaliya 1970-meeyadii, wuxuu ku noolaa barrena ka ahaa, dalal badan oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka, Talyaaniga, Sweden, Suudaan, Hindiya, Ugaandha, Nayjeeriya iyo Koonfur Afrika.

Nuuradiin ayaa qorey buugaag badan oo ay ku jiraan kuwa ka hadlaya qisooyin ku saabsan Soomaalida iyo arrimaha bulshada, sida jaceylka, Nabadda, Colaadda I.W.M kuwaas oo uu ku qoray Af-ingiriisi. Afafka kala duwan ee kala ah Af-Carabiga,Hingiriisida,Talyaaniga iyo Amxaariga/Xabashiga ayaa uu bartay.

Buugaagtiisii ​​waxaa loo turjumay in ka badan 17 luqaddood. Jaamacaddo badan oo dunida ah, gaar ahaan kuliyaddaha “English Language and Literature” waxa lagu dhigaa buuggaagta uu qorey Nuuradiin.

Taxanayaasha/Buuggaagta uu qorey Nuuradiin Faarax

• Variations on the theme of an African

Dictatorship

1. SWeet and sour milk [1979]

2. Sardines. [1981]

3. Close sesame [1983]

• Blood inthe Sun

1. Maps [1986]

2. Gifts. [1992]

3. Secrets [1999]

• Links

1. Knots [2007]

2. Links. [2003]

3. Crossbones [2011]

• Novels

1. From a crooked Rip[1970]

2. Anaked Needle. [1976]

3. Hiding in plain sight [2014]

4. North of dawn [2018]

Nuuradiin Farah wuxuu ku kasbaday inuu yahay mid ka mid ah qorayaasha ugu waaweyn adduunka, Billaddo iyo abaalmarino caalami ah. 

Taasi oo uu ku hantiyey sheekooyinka dahabiga ah iyo dhiganeyaasha uu qoray. Qalinkiisa ayuu ku muteystay abaalmarinno ay ka mid yihiin, 

[Premio Cavour] oo Talyaani ah, 

[Kurt Tucholsky Prize] oo Iswidhan ah, 

Abaal-marinta [Lettre Ulysses] ee Berlin, iyo 1998-kii oo uu ku guulaystaystay [Neustadt International] oo ah Abaalmarinta Suugaanta. Isla sannadkaas, daabacaaddii buuggiisa ‘Gifts’ ayaa ku guuleystay abaalmarinta Bandhigga Suugaanta ee [St Malo].

W/Q Jamaal Ibraahim Dasuuqi

bashka

bashka

Related Posts

Xasan Cali kheyre ” Banaanbaxa Dowladii waqtigeeda dhamaadey ma diidi karto”
News

Xasan Cali kheyre ” Banaanbaxa Dowladii waqtigeeda dhamaadey ma diidi karto”

February 26, 2021
Qaramada midoobey & Midowga Yurub oo soo dhaweeyeen hishiiskii DFS & Mucaaradka
News

Qaramada midoobey & Midowga Yurub oo soo dhaweeyeen hishiiskii DFS & Mucaaradka

February 26, 2021
Qodobadii kasoo baxey shirkii DFS & Mucaaradka
News

Qodobadii kasoo baxey shirkii DFS & Mucaaradka

February 25, 2021
Next Post
Statement Issued by Chairperson of African Union Commission, United Nations Secretary-General

Statement Issued by Chairperson of African Union Commission, United Nations Secretary-General

Warbixin : Bannaanbaxa ay Berri oo Jimce ah qabanayaan Musharixiinta madaxweynaha

Warbixin : Bannaanbaxa ay Berri oo Jimce ah qabanayaan Musharixiinta madaxweynaha

Daawo: Prof. Samatar oo farriin culus u diray shacabka Muqdisho kahor dibad-baxa Jimcaha

Daawo: Prof. Samatar oo farriin culus u diray shacabka Muqdisho kahor dibad-baxa Jimcaha

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

  • United Nation ka oo soo fara geliyey Doorashada Soomaaliya

    United Nation live : Somalia – Security Council Open VTC

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Qudbadii ugu xasaasiyada badneeyd ebed uu jeediyey Madaxweyne Deni

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Afhayeenka Mucaaradka Daahir Geelle : Banaanbaxa wuu dhacayaa Jimcaha

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Turkiga : Digniinta Deni baraarug ha u noqoto Beesha Caalamka

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Live Musharaxiinta : 26 bisha Febraayo waa inoo goobtii Daljirka Daawo

    0 shares
    Share 0 Tweet 0

Recommended

Puntland oo shuruudo adag ku xirtay ka qeyb galka shirka wadatashiga Qaran (Akhriso)

Puntland oo shuruudo adag ku xirtay ka qeyb galka shirka wadatashiga Qaran (Akhriso)

3 days ago
Qudbadii ugu xasaasiyada badneeyd ebed uu jeediyey Madaxweyne Deni

Qudbadii ugu xasaasiyada badneeyd ebed uu jeediyey Madaxweyne Deni

5 days ago
Beesha Karanle (Murusade) Waxaan cambaaraynayaan bannaanbaxyada aan sharciga waafaqsanayn

Beesha Karanle (Murusade) Waxaan cambaaraynayaan bannaanbaxyada aan sharciga waafaqsanayn

5 days ago
Ethiopia signs $456m deals to improve road links with neighbours

Ethiopia signs $456m deals to improve road links with neighbours

3 days ago

Categories

  • Culture
  • Health
  • National
  • News
  • Opinion
  • Politics
  • Sports
  • Tacsi
  • Uncategorized
  • World
No Result
View All Result

Trending

Xasan Cali kheyre ” Banaanbaxa Dowladii waqtigeeda dhamaadey ma diidi karto”
News

Xasan Cali kheyre ” Banaanbaxa Dowladii waqtigeeda dhamaadey ma diidi karto”

by bashka
February 26, 2021
0

Xasan Cali kheyre " Banaanbixii Qorsheysnaa inuu Bari Dhaco Wuu Baaqday kadib is Afgarad dhexmaray midowga Musharixiinta...

Qaramada midoobey & Midowga Yurub oo soo dhaweeyeen hishiiskii DFS & Mucaaradka

Qaramada midoobey & Midowga Yurub oo soo dhaweeyeen hishiiskii DFS & Mucaaradka

February 26, 2021
Qodobadii kasoo baxey shirkii DFS & Mucaaradka

Qodobadii kasoo baxey shirkii DFS & Mucaaradka

February 25, 2021
Faysal Cali Waraabe “Somaliland cid cid ka wakiilihi ma jirto”

Faysal Cali Waraabe “Somaliland cid cid ka wakiilihi ma jirto”

February 25, 2021
Wafdi uu hogaaminayo Imaamka Mudolood oo lagu soo dhaweeyay Beladweyne “SAWIRRO”

Wafdi uu hogaaminayo Imaamka Mudolood oo lagu soo dhaweeyay Beladweyne “SAWIRRO”

February 25, 2021

Highlights

Faysal Cali Waraabe “Somaliland cid cid ka wakiilihi ma jirto”

Wafdi uu hogaaminayo Imaamka Mudolood oo lagu soo dhaweeyay Beladweyne “SAWIRRO”

Yusuf Garaad : Somaliya waxey u baahan tahay in DFS & Mucaaradka si siman u hadlaan

THE WORLD WITH DAVID PRATT: On the brink – Why war drums are beginning to pound in Somalia

Police watchdog ID’s man fatally shot by Toronto police

  • Home
  • News
  • Politics
  • Sports
  • National
  • Health
  • Tacsi
  • Contact

© 2021 manabolyo.com. - Latest news from Somalia | All Rights reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • News
  • Politics
  • Sports
  • National
    • Culture
    • Opinion
  • Health
  • Tacsi
  • Contact

© 2021 manabolyo.com. - Latest news from Somalia | All Rights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In