Waxaa magaalada Muqdisho ka socda diyaar garow laba dhinac ah oo ku saabsan bannaanbaxa ay Berri oo Jimce ah qabanayaan Musharixiinta madaxweynaha, iyadoo dadaallo badan oo dowladda ku dooneysay inay ku hor istaagto ay fashilmeen.
Musharixiinta ayaa qeybo kala duwan oo ka mida magaalada ku diyaariyey bannabaxayaal, waxayna madaxda hoggaamineysa bannaabax qaarkood sii degeen Hoteello u dhow Fagaaraha Daljirka Dahsoon oo bannaanbuxu ka dhacayo, sida madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo xalay degay Hotelka Maa’ida (Ex. Naasahablood II).
Ciidamada ilaalada u ah Musharixiinta Madaxweynaha ayaa sugaya amniga goobaha qaarkood, waxaana socda abaabulkii ugu danbeeyay ee labada dhinac ugu jiraan qabsoomidda iyo ka hortagga bannaanbaxa.
Amniga Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan la geeyay dhinacyada laga soo galo Madaxtooyada, waxaa kaloo wararku sheegaaan in Hay’adda NISA ay ciidamo badan oo Dhar cad ah geysay Taallada Bannaanbuxu ka dhacayo iyo Hoteelada u dhow oo Musharixiinta looga cabsi qabo inay degaan ama iska abaabulaan.

Dhanka kale ciidamo katirsan kuwa ilaaliya Madaxtooyada Ee Koofi Casta loo yaqaano ayaa la wareegay sida la sheegay Amaanka Hoteelka SYL oo aad ugu dhaw Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
SYL HOTEL ayaa waxa uu kaabiga ku hayaa Xarunta dalka looga arimiyo islamarkaana la sheegay in laga war helay Murashaxiinta Mucaaradka qaarkood inay deggi rabaan halkaasi.
Shariif Xasan,C/kiriin Guuleed iyo Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame ayaa ilo madax banaan ay sheegeen in ay halkaasi deggi rabeen si la mid ah Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo Xalay iyagu degay Hoteelka Naasa hablood 2 Ee Ku yaalla Degmada Xamar weyne kuna dhaw Tiyaartarka Qaranka.