Qoraalka Uu soo Saarey Agaasimaha Waaxda Nabada & Amniga Ee AU-da Ayaa lagu War galiyay Ciidanka AMISOM In aysan Ka Qeyb qaadan Howlaha socda isla Mar ahaantaana Dhex dhexaad ka noqdaan, Lana Ogoleyn In Xubnaha & Hantida Kala Duwan Ee AMISOM Aysan Dhinacyada U isticmaalin Howlaha Socda.
Keliya Hadii ay Timaado Howlaha Amisom U siinaya mandate (howl qabasho Dheeri ah) loo Ogol yahay In ay Difaacaan Sida Xarunta Villa Somalia, Iyagoo Isticmaalaya Awood Xadidan.
Arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli ay jireen qul qulatooyin iska soo horjeeda Oo ku Aadan Dawlada Soomaaliya iyo mucaaradka.
