Ciidamo ka tirsan Jabhada TPLF ayaa kasoo talaabey xuduudka Soomaaliya ay la leedahay Itoobiya.
Wararka waxa ay sheegayaan in Jabhada TPLF ay si dhuumaaleeysi ay uga soo gudbeeyn Xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya & Itoobiya, kadib markii ay xiriiro la sameeyeen Maamulka Soomaaliland ee ka taliya Muuse Biixi.
Xiriirka ay Jabhada TPLF la deedahay Madaxda Soomaalida ayaa aad u wanagsanaa mudadii ay xukunka hayeen, waxaadna ka garan kartaa waqtigii Dowladii Cabdullahi Yuusuf iyo Geedi ay in ka badan sanad ka difaacayeen Maxaakiimta Islaamka ee markaan doonayey in wadanka xoog ku qabsadaan.
Wadanka Ingiriiska Magaalo madaxdiisa London ay ku shireeyn bishi la soo dhaafey Madax ka tirsanmaa Jabhada TPLF iyo Soomaali wadankaas deganaa oo ay u badnaayeen Wasiiro hore Soomaaliya iyo Somaaliland.
Jabhada TPLF ayaa u aragto fursad aad u wanaagsan ay kaga soo jabhadeen karaan wadanka Soomaaliya gudahiisa ayagoo si fiican u garanaya shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdii hore ee Dowlad Goboleedyadii xooga loogaga qaadey kadib markii Farmaajo u adeegsadey lacag.
Arintaan ayaa qatar hor leh ah iyadoo dowladii soomaaliya xilkeedii dhamaadey iyadoo aan diyaar aheen dowlad bedesho islamarkaasna wadanka soomaaliyeed u kala jabeeyn labada xoogag ee iska soo horjeeeda oo kala hogaaminayaan madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii hore Farmaajo oo xilka ka dhamaadey hada.
Xasuustii Dr Xuseen Xaaji Bood
Labada dhinac ayaa u kal jabeen sidan.
Golaha Musharaxiinta oo la safan Labada maamul Goboleed ee Jubbaland iyo Puntland, iyo Gudoomiyaha Golaha sare iyo waliba ciidamo aad u fara badan oo badankoodii ahaa ciidamadii soo tababareen labadii madaxweyen ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.
Dhanka kale DFS ayaa la safan oo kaliya ciidamada Turkiga soo taba bareeyn ee Haramcad iyo Waran oo intooda badan ay kasoo jeedaan Qabiilka Hawiyaha.
Sedexda Maamul Goboleed oo kal ah Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfurta Galbeed ayaa ilaa hada u muuqda kuwa u dhaxeeya labada garab ayagoo il gooni ah ku eegaya dagaalka ka dhaxeeya labadaas dhinac. waxaana laga yaabaa in ayagana u kala jabaan labada dhinac ee DFS & Golaha Musharaxiinta.
Dhabka kale ayaa laga yaabaa in labadaa dhinac ee DFS & Musharaxiinta kusoo biiraan Dowlada Itoobiya oo u janjeerta dhanka DFS iyo Jabhada TPLF oo mudo ku dhex jirtay siyaasada Soomaaliya ayaa laga yaabaa in ay Gacan siiso Golaha Musharaxiinta si ay u hesho meel ay kaga soo duusho Dowlada Abbyi Ahmed.
Waxaa kale oo ka maqneyn labada dal ee Suudaan & Masar oo ah laba dowladeed oo aad xiriir fiican la lahaa Dowladihii soomaaliya soo marey oo laga yaabo in xiriir wanaagsan lasoo sameeyaan Golaha Musharaxiinta.
Hadaba maxaa la gudboon Umada soomaaliyeed ayagoo u jeeda in wadanka civil war u socdo?