Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladdii waqtigeeda dhamaadey ay ka fakareyso in bandow ay geliso Muqdisho iyadoo qiil uga dhigeeyso qatarta Covid-19/
Villa Somalia iyo Xukuumadii dhamaatey waqtigeeda ayaad moodaa in dhaqdhaqaaqooda kusoo idlaadey Gobolka Banaadir ayagoo doonaya in ay ku xakameeyaan Mucaaradka Dowladii dhacdey.
Bandowga ayaa noqon doona mid la mid ah kii sanad ka hor ay soo rogtay dowladda oo billaabanaya wixii ka dambeeya laba saac habeennimo. Si kastaba ma cadda saameyn Bandoow xiligaas billowda uu yeelan karo maadaama bulshada ay aad isku dhex socoto maalintii.
Shacbiga reer Muqdisho ayaa ka cabanaya dhaqaale xeran ku yimaada Magaalada iyadoo la ogyahay in dhoowr kii sano ee lasoo dhaafey muqdisho dhaqaalaheeda hoos u dhacey iyadoo dadka qaar sheegaya in arintaan uu ka dambeeyo Madaxweynahii waqtigiisii dhamaadey
Halka qaar ay sheegayaa in Dowlada cabsi ka qabto in kacdoon kaga yimaado shacabka reer Muqdisho