Jidadka soo gala taallada Daljirka ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo badan oo gaadiidka dadweynaha oo ay ku jiraan mootooyinka bajaajta ka celinaya halkaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u ballan qaadday inay sugayso ammaanka dadka dibed baxaya, waxaana Ciidanka loo malaynayaa in qayb ka yihiin Ciidanka lagu sugayo ammaanka goobta loo asteeyay inuu ka dhaco Mudaharaadka.
Xaalada magaalada Muqdisho ayaa guud ahaan degan, iyadoo dadku ay si weyn u hadal hayaan wadahadalada xalay fashilmay ee DF iyo mucaaradka iyo sida uu u dhici doono banaanbaxa beri oo sidii hore aan u xiise badneyn.