Masuulinta ka tirsan Maamulka Puntland ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamadda manta tababarka loo soo xiray salan ka dib ciidamada ayaa halkaasi ku soo bandhigay casharadii la baray.
Maamulka dugsiga ayaa ka warbixiyay marxaladii kale duwanaa ee ay soo mareen Ciidamaddu.
Gudooyimaha Guddiga dib u habeeynta Ciidamada ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliayadda Mudane Xasan Shire Cabdi oo ka hadlay Munasabadii xiritaanka Tababarka ayaa Maamulka dugsiga ku amaanay qaabka wanagsan ee ciidamadda ay u carbiyayen.
Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadda mushaharkooda la gaarsiiyay heerkii ugu sareeyay.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdi samed Maxamed Galan iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar dheer ayaa Saraakiisha iyo macalimiinta ku bogaadiyey shaqada ay qabteen
.
