Saturday, April 17, 2021
  • Login
MANABOLYO NEWS
  • Home
  • News
  • Politics
  • Sports
  • National
    • Culture
    • Opinion
  • Health
  • Tacsi
  • Contact
No Result
View All Result
  • Home
  • News
  • Politics
  • Sports
  • National
    • Culture
    • Opinion
  • Health
  • Tacsi
  • Contact
No Result
View All Result
MANABOLYO NEWS
No Result
View All Result
Home Health

Farmaajo oo kusoo laabtey halkii lagu doortey isagoo musharax madaxweyne hore ah

bashka by bashka
March 22, 2021
in Health
0 0
0
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada sida weyn u diidan madaxweynaha uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal ka sameeyay imaatinkiisa teendhada Afisyooni oo la damacsanaa inuu maanta ka furmo shirka arrimaha doorashooyinka.

Farmaajo ayaa maanta wakhti hore soo xaadiray teendhada Afisyooni oo ah aagga garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde, waxaana hogaaminayay kolonyo gawaari gaashaaman ah oo ay dadka siyaabo kala duwan fasiraad uga bixiyeen.

Mahad Salaad oo qoraal uu macno kale ugu yeelayo imaatinka Farmaajo ee teendhada wuxuu sheegay inuu dib ugu soo laabtay halkii lagu doortay Afar sano ka hor iyadoo aan lagu heshiin arrimaha doorashada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in imaatinkiisa uu yimid xilli ay maamullada dalka ay kala irdhoobeen, sidoo kalana uu galay dambiyo dagaal sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaas sii raaciyay in markii la doortay ay ciidamo Soomaali ah ilaalinayeen balse ay maanta garbahiisa joogaan AMISOM oo dadka ka ilaalineysa.

Hadalka Mahad Salaad oo waxyaabo gaar ah ku qotomay wuxuu kaloo ku sheegay in qabkii iyo buuloxuuftadii lasoo waday mudadii uu sida sharciga ah ku joogay Villa Soomaaliya ay soo dhamaatay.

“Teendhadii 4 sano kahor lagu doortay isagoo Ciidamo Soomaaliyeed amnigiisa ilaalinayaan ayaa maanta la soo dhex fariisiyay isagoo MW muddo xileedkiisu dhamaaday ah, doorasho heshiis lagu yahana aysan jirin” ayuu soo qoray Xildhibaan Mahad Salaad.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu hadana yiri: “Maamuladii dalka ay kala irdhoobeen. Dambiyo dagaal galay. Amisom amnigiisa ilaalinayso, dadkana ka ilaalinayso. Qabkii beenta ahaa iyo buuloxuuftadii 4 sano jirsatay ee Farmaajo soo maanta halkaas kuma harin?!”

Hadalka Mahad Salaad ayaa kusoo aaday xilli madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qarka u saaran yahay inuu ka fashilmo shirkii shanaad oo uu ku baaqo, iyadoo maanta ay soo xaadireen kaliya maamullada uu taageerada ka heysto ee saddexda ah

bashka

bashka

Related Posts

Wasiir Oomaar Oo iska diiday Xilkii Shalay R/wasaare Rooble u magacaabay
Health

Wasiir Oomaar Oo iska diiday Xilkii Shalay R/wasaare Rooble u magacaabay

April 12, 2021
Breaking News : Golaha aqalka sare oo laadey go’aankii golaha shacabka diideyna in waqti lagu darsado
Health

Breaking News : Golaha aqalka sare oo laadey go’aankii golaha shacabka diideyna in waqti lagu darsado

April 12, 2021
Maraykanka oo ku baaqay in heshiis deg-deg ah laga gaaro khilaafka doorashada Soomaaliya
Health

INTERNATIONAL PARTNERS STATEMENT ON PARLIAMENTARY ACTION LEADING TO EXTENSION Mogadishu, 12th April 2021

April 12, 2021
Next Post
Madaxweyne Deni & Madobe : Waxaan diidaneeyn siyaasada Madaxweynihii hore Farmaajo

Labada Madaxweyne ee ugu tunka weyn oo shuruud ku xireeyn shirka been abuurka

Beesha Caalamka :  Shirka 15ka Febraayo waa muhiim

QM oo war kasoo saartay shirkii maanta ka dhacay Afisyooni

Europeans view Oxford/AstraZeneca COVID vaccine as ‘unsafe’ despite rejection of blood clot link

Europeans view Oxford/AstraZeneca COVID vaccine as 'unsafe' despite rejection of blood clot link

  • United Nation ka oo soo fara geliyey Doorashada Soomaaliya

    United Nation live : Somalia – Security Council Open VTC

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Qudbadii ugu xasaasiyada badneeyd ebed uu jeediyey Madaxweyne Deni

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Afhayeenka Mucaaradka Daahir Geelle : Banaanbaxa wuu dhacayaa Jimcaha

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Live Musharaxiinta : 26 bisha Febraayo waa inoo goobtii Daljirka Daawo

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Turkiga : Digniinta Deni baraarug ha u noqoto Beesha Caalamka

    0 shares
    Share 0 Tweet 0

Recommended

Wasiirada Caafimaadka oo ka hadashey Xaaladaha COVID19 soo cusboonaadey

Wasiirada Caafimaadka oo ka hadashey Xaaladaha COVID19 soo cusboonaadey

2 months ago
Qarax xoog leh oo ka dhacey Xerada Afasiyooni oo ka tirsan Xerada Xalane

Qarax xoog leh oo ka dhacey Xerada Afasiyooni oo ka tirsan Xerada Xalane

1 month ago
Cadaado oo lagu rasaaseeyey Gaari wadey Jaad. iyadoo qasaari naf soo gaarey

Cadaado oo lagu rasaaseeyey Gaari wadey Jaad. iyadoo qasaari naf soo gaarey

1 month ago
Lacago Dollar been abuur ah oo soo gashey Mogadishu soomaaliya

Lacago Dollar been abuur ah oo soo gashey Mogadishu soomaaliya

1 month ago

Categories

  • Culture
  • Health
  • National
  • News
  • Opinion
  • Politics
  • Sports
  • Tacsi
  • warar
  • World
No Result
View All Result

Trending

Wasiir Oomaar Oo iska diiday Xilkii Shalay R/wasaare Rooble u magacaabay
Health

Wasiir Oomaar Oo iska diiday Xilkii Shalay R/wasaare Rooble u magacaabay

by bashka
April 12, 2021
0

Wasiirkii Gaadiidka Duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar Oo hadda kusugan Dalka Turkiga ayaa xilka Wasaaradaasi...

Breaking News : Golaha aqalka sare oo laadey go’aankii golaha shacabka diideyna in waqti lagu darsado

Breaking News : Golaha aqalka sare oo laadey go’aankii golaha shacabka diideyna in waqti lagu darsado

April 12, 2021
Maraykanka oo ku baaqay in heshiis deg-deg ah laga gaaro khilaafka doorashada Soomaaliya

INTERNATIONAL PARTNERS STATEMENT ON PARLIAMENTARY ACTION LEADING TO EXTENSION Mogadishu, 12th April 2021

April 12, 2021
R/Wasaarihii hore Kheyre oo runta u sheegey Madaxweynihii hore DFS Farmaajo

R/Wasaarihii hore Kheyre oo runta u sheegey Madaxweynihii hore DFS Farmaajo

April 12, 2021
WOULD FARMAJO RESORT TO VIOLENCE LIKE HIS MENTOR ABIY AHMED?

War degdeg ah : Mucaaradka oo ku dhawaaqi doono Dowlad cusub

April 12, 2021

Highlights

R/Wasaarihii hore Kheyre oo runta u sheegey Madaxweynihii hore DFS Farmaajo

War degdeg ah : Mucaaradka oo ku dhawaaqi doono Dowlad cusub

Daawo: Natiijada baaritaanka dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo lasoo gudbiyay

Guddoomiyaha gobolka Bay oo ka badbaaday qarax is-miidaamin ah.

Farmaajo oo ogolaadey in shir lagu soo daro Xasan Sheekh & Sheekh Shariif

DHAGEYSO: Aqbaatii ugu dambeeysay ee Dagaalkii Somalida & Canfarta ee Gobolka Sitti

  • Home
  • News
  • Politics
  • Sports
  • National
  • Health
  • Tacsi
  • Contact

© 2021 manabolyo.com. - Latest news from Somalia | All Rights reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • News
  • Politics
  • Sports
  • National
    • Culture
    • Opinion
  • Health
  • Tacsi
  • Contact

© 2021 manabolyo.com. - Latest news from Somalia | All Rights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In