Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in shirkii maanta uu ahaa hordhac oo ay yeesheen qeyb ka mid ah xubnaha matalayay Dowlad Goboleedyada.
Beesha Caalamka ayaa xustayb in loo baahan yahay kulamo aan rasmi aheyn maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo in shirka soo socda u noqdo mid loo dhan yahay oo is afgarad laga gaaro si loo fuliyo heshiiskii 17 September.
“Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo qayb ahaan ay goob jog u ahaayeen Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.
Warka ayaa intaasi kusii daray “waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xajiijiyo kasoo qaybgakii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September”