Qoraal goor dhaw ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa si cad loogu diiday in wax mudda kordhin ah loo sameeyo Golayaasha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya
War Qoraal ah oo maanta ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Saaxiibada Beesha Caalamku aysan marnaba taageeri doonin tallaabo kasta oo mudda kordhin loogu sameeyo dowladda Federaalka.
Qoraalka UNSOM, waxaa lagu xaqiijiyay in Beesha Caalamku aysan sidoo kale taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac qabto iyo mid isbarbar socda oo aan heshiis lagu ahayn.
“ Ma taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hore.” Ayaa lagu yiri qoraalkahttps://ac6441c4d22cbaaee522d3489644e4d4.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-37/html/container.html
Waxey u muuqataa in Beesha Caalamka ay ka war heshay Xildhibaano taageersan Farmaajo oo ka shaqeynaya muddo kordhin iney u sameeyaan dowladda iyagoo hab gacan taag ah ku codeynaya.
Xildhibaanada ayaa shalay ku shiray Hotel Decele ee magaalada Muqdisho iyagoo sidoo kale sheegay iney u codeynayaan doorasho qof iyo cod ah.https://ac6441c4d22cbaaee522d3489644e4d4.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-37/html/container.html
Saaxiibada Beesha Caalamku ayaa hoggaamiyaasha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii wadaan kulamada aan rasmiga ahayn ee lagu xallinayo muranka doorashooyinka si heshiis dhammaystiran looga gaaro Arrimaha doorashooyinka.